Bitcoin 2026: Sirta Bottom-ka!
Dunida Blockchain-ka, qiimaha Bitcoin maaha mid si kadis ah u dhaca; waa natiijada shucuurta malaayiin maalgashade oo ku mideysan wareegyo (cycles) is-daba joog ah. Maanta oo ah 24 Juun 2026, waxaan marayn
aa marxalad xasaasi ah oo u baahan inaan si qoto dheer u darsanno xogta suuqa.
Qiimaha Taariikhiga
Qiimaha hadda ee $62,567.99 wuxuu matalaa meesha uu suuqu ku dhisayo saldhiggiisa cusub. Tani maaha oo kaliya tiro, balse waa natiijada xaalad suuq oo la saxayo (market correction) ka dib kor u kacyo waaweyn. Qiimahani wuxuu na tusayaa in suuqu uu marayo marxalad tijaabo ah oo lagu kala saarayo maalgashadayaasha muddada dheer iyo kuwa cabsida ka qaada marka qiimuhu xoogaa hoos u dhaco.
Dareenka iyo Hab-dhaqanka Suuqa (Market Psychology)
Falanqaynta Market Psychology waa furaha lagu fahmo in dhaqdhaqaaqa Bitcoin uu yahay mid la saadaalin karo. wuxuu inoo kala saarayaa marxaladaha maskaxeed ee maalgashaduhu maro inta lagu jiro wareegga 4-ta sano ah:
- Wareegga 4-ta Sano: Jaantusku wuxuu muujinayaa wareeg dhammaystiran oo 4-sano ah, kaas oo lagu kala saaro Bear iyo Bull market iyadoo la adeegsanayo tilmaame midab leh.
- Marxaladda Hadda (Denial): Sida ka muuqata sawirka, aagga casaanka ah ee "Denial" waa meesha aan hadda taagan nahay. Waa marxalad dadka aan xirfadda lahayn ay diidan yihiin inay aqbalaan hoos u dhaca, iyagoo rajaynaya kor u kac, halka kuwa caqliga leh ay tan u arkaan fursad diyaar-garow.
- Qaabka Wareegga: Wareeggani wuxuu raacaa jihada saacadda; "Denial" waxaa ka dambeeya marxaladaha "Panic" iyo "Capitulation". Fahamka inaan ka horrayno "Capitulation" waxay saadaalinaysaa inaan u baahannahay inaan aragno heerka ugu sarreeya ee cabsida suuqa.
Bitcoin Spiral: Wareegga Soo Noqnoqda
Marka aan eegno sawirka Bitcoin Spiral, waxaan arkaysaa qaab-dhismeedka rasmiga ah ee suuqa. Sawirkani ma aha oo kaliya naqshad, balse waa matalaad muujinaysa in Bitcoin uu maro dariiq wareeg ah oo dib u soo noqnoqda, kaas oo isku xiraya taariikhda iyo dhacdooyinka muhiimka ah:
- Dabeecadda Exponential-ka: Xariiqda oranji-ga ahi waxay ka bilaabataa bartamaha ($1) waxayna u sii fidaysaa dibadda (). Dardarta xariiqdan waxaa kiciya "Halving-ka" (calaamadaha cagaaran), taas oo calaamad u ah bilowga wareeg cusub oo kor u kac ah.
- Taariikhda Oo Soo Noqnoqonaysa (2013, 2017, & 2021): Haddii aan fiirino calaamadaha buluugga ah (All-Time Highs) iyo kuwa cas (Bottoms), waxaan arkaysaa in wareeggii 2013, 2017, iyo 2021 ay dhammaantood mareen isku qaab: Gaarista heerkii ugu sarreeyay, oo ay ku xigtay marxalad consolidation ah oo ay dad badani u qaateen dhammaadka Bitcoin.
- Aasaaska 2026: Marka aan eegno qaybta 2026 ee sawirka, waxaan arkaysaa inaan mar kale ku jirno marxalad consolidation ah. Sida wareegyadii hore, tani maaha dhammaad, balse waa dhismaha "Bottom-ka" ugu adag, kaas oo u adeegaya dhuuntii uu ku dhex mari lahaa kor u kaca xiga.
Qorshaha Maalgashiga
Istiraatiijiyaddan 'Equal Division' ee 4-ta maalmood ah waa habka ugu saxsan ee lagu maareeyo khatarta iyadoo la adeegsanayo xisaab cad. Marka la qaybiyo maalgashiga si maalin kasta loogu shubo lacag siman, waxaan ka fogaanaynaa inaan suuqa hal mar wada gelino iyadoo aan ognahay in suuqu uusan degganayn. Waa hab nidaamsan oo u oggolaanaya maalgashadaha inuu qiimaha celcelis ahaan ka helo (DCA) inta lagu jiro maalmahan xasaasiga ah.
Dhaqdhaqaaqa Lacagaha Hay’adaha Waaweyn (Institutional Flow)
Marka aan eegno dhaqdhaqaaqa hay'adaha (Institutional Flow), waxaan arkaysaa in inta dadka caadiga ah ay ku jiraan "Extreme Fear", ay hay'adaha waaweyn iibsanayaan. Iibsashada baaxadda leh ee maalmihii u dambeeyay waxay xaqiijinaysaa in aaminaadda Bitcoin ay weli tahay mid aad u sarreeya heerarka machadyada. Tani waa farqiga u dhexeeya qofka cabsada iyo qofka leh istiraatiijiyad cad oo daba socota lacagta waaweyn (Smart Money).
Aragtideyda iyo Gunta Suuqa (Bottom Analysis)
In kasta oo jaantusyada nafsiga ahi ay muujinayaan inaan u soconno marxalado adag oo "Panic" iyo "Capitulation" ah, haddana waxaan aaminsanahay in tani ay tahay fursad istiraatiiji ah oo u baahan dulqaad. Marka aan isku xiro xogta Spiral-ka ee tilmaamaysa dhaqdhaqaaqa wareegga iyo heerarka nafsiga ah ee suuqa, waxaan saadaalinayaa in suuqu uu gunta hoose (bottom) gaari doono xilliga ay marxaladda "Capitulation" ay si buuxda u dhacdo. Tani waxay u badan tahay inay timaaddo bilaha soo socda, xilligaas oo ah marka cabsidu ay gaarto heerkeeda ugu sarreeya ee nafsiga ah, ayna suuqa ka baxaan maalgashadayaasha tabarta yar.
Xilliga guntaani maaha mid ku xiran taariikh cayiman, balse wuxuu si dhow ula socdaa dhammaystirka maalmaha haray ee ku qeexan jaantuska Spiral-ka. Marka ay marxaladdan adag ee "Denial-ka" iyo "Panic-ka" ay si buuxda u dhammaato, xilligaas ayuu suuqu dhismi doonaa saldhiggiisa ugu adag. Tani waxay u oggolaanayaa "Smart Money" inay ururiyaan Bitcoin inta lagu jiro bilaha soo socda ee xilliga wareeggan uu sii socdo. Inta ka dhiman 2026 waxay noqon doontaa muddo tijaabo ah, laakiin kuwa haysta qorshe cad (DCA) oo u adkaysta marxaladan adag, ayaa ah kuwa ka soo bixi doona iyagoo guuleystey marka suuqu uu dib u bilaabo socodkiisa koritaanka ah.
Fiiro gaar ah: Falanqayntani waa mid ku salaysan xogta suuqa ee hadda jirta mana aha talo maaliyadeed. Had iyo jeer samee baaritaan kuu gaar ah (DYOR).
~ Diyaariye: Booskapro ~
- Get link
- X
- Other Apps

Comments
Post a Comment