Ethereum 3.0: Dib-u-qaabaynta iyo Mustaqbalka Shabakadda (2026-2030)
Diyaariye: Booskapro Taariikhda: July 05, 2026
Aragtida Cusub ee Vitalik Buterin
Ka dib shirar muhiim ah oo ay cilmi-baarayaashu ku yeesheen Berlin iyo Svalbard, Vitalik Buterin ayaa si rasmi ah u soo bandhigay qorshaha wajiga saddexaad ee horumarinta shabakadda Ethereum. Qorshahan, oo loo bixiyay "Lean Ethereum," ma aha oo kaliya cusboonaysiin fudud, balse waa dib-u-curin dhammaystiran oo qaab-dhismeedka shabakadda ah taas oo socon doonta 3 ilaa 4 sano oo soo socota. Sida uu Vitalik Buterin ku tilmaamay qoraalkiisa, tani waa wajigii saddexaad ee weynaa ee Ethereum, iyadoo loo aqoonsaday inay la mid tahay muhiimadda isbedelkii taariikhiga ahaa ee "The Merge."
halkaan ka eeg qorshaha vitalik
Falsafadda "Lean Ethereum" ee uu soo bandhigay Vitalik
Vitalik wuxuu xoogga saarayaa in "Lean Ethereum" ay astaan u tahay fududaynta, nadiifinta, iyo diyaarinta mustaqbalka. Qorshahan uu soo bandhigay wuxuu diiradda saarayaa bedelida ku dhawaad qayb kasta oo ka mid ah borotokoolka si loo helo xawaare, ammaan, iyo awood balaaran.
Qodobada muhiimka ah ee isbedelka uu Vitalik soo bandhigay waxaa ka mid ah:
- Xaqiijinta: Adeegsiga Recursive STARKs halkii laga isticmaali lahaa dib-u-fulinta tooska ah.
- Amniga Quantum-ka: Bedelida dhammaan qaybaha u nugul kombiyuutarrada Quantum-ka, taas oo Vitalik u aqoonsaday mudnaan sare.
- Consensus: Decoupling-ka xogta la heli karo iyo finality-ga, iyadoo la gaarayo 1-2 wareeg oo xaqiijin ah.
- Qarsoodiga (Privacy): Qarsoodigu hadda wuxuu noqday ujeeddo aasaasi ah, iyadoo naqshadaynta horumarsan ee mempool-ka iyo xogta lagu tijaabiyo dhinaca qarsoodiga.
Isbedelka Xaaladda (State Transformation)
Mid ka mid ah qaybaha ugu caqabadda badan uguna saamaynta badan ee qorshaha uu Vitalik soo bandhigay waa maamulka xaaladda (State management). Cilmi-baarayaashu, iyagoo raacaya jihada uu bixiyay Vitalik, waxay soo jeedinayaan qaab kala duwan:
- Xaaladda Dynamic: Waxaa lagu ilaalin doonaa qaabka hadda jira laakiin xaddidan (2 TB).
- Xaaladda Cusub: Tani waa qaybta cusub oo u baahan xaqiijin iyo kaydin kooban, taas oo lagu qiyaasay inay gaari karto 100 TB.
- Saamaynta: Nidaamkan cusub wuxuu u oggolaanayaa barnaamijyada sida ERC20 iyo NFT-yada inay isticmaalaan qaab kayd oo aad uga jaban, iyadoo Vitalik uu saadaalinayo inay khidmadaha hoos u dhigi karaan in ka badan 10x.
Mustaqbalka Virtual Machines: Ka Gudubka EVM
Vitalik Buterin wuxuu ku doodayaa in Ethereum ay u baahan tahay VM ka duwan kan hadda jira si loo taageero qarsoodiga iyo scalability-ga. Hadafka fog ee uu Vitalik soo bandhigay waa in EVM uu noqdo kaliya qayb ka mid ah luqadaha barnaamijka (compiler feature), halka borotokoolku uu si toos ah ula macaamilo leanISA ama RISC-V.
Qariidada Waddada (Roadmap): Marxaladaha Mustaqbalka
Sida uu Vitalik ku xusay qoraalkiisa, waxaa jira jadawal cad oo ay ku qeexan yihiin marxaladaha soo socda:
- H-star (Hegota): Waxay noqon doontaa middii ugu dambaysay ee "Pre-Lean".
- I-star iyo wixii ka dambeeya: Halkan ayay bilaaban doontaa hirgelinta nidaamka "Lean" oo si buuxda u muuqda.
- Kordhinta Awoodda: Glasterdam iyo wixii ka dambeeya waxay keeni doonaan kordhin joogto ah oo ku saabsan xadka Gaaska (gas limit).
halkaan kala soco
Gunaanad
Ethereum maanta waxay ku jirtaa marxalad ay dib isu cusboonaysiinayso si ay ula tartanto baahiyaha mustaqbalka, qorshahan oo uu Vitalik Buterin soo bandhigayna wuxuu u gogol-xaarayaa mustaqbal ifaya. In kasta oo caqabadaha farsamo ay sarreeyaan, haddana jihada uu Vitalik tilmaamay waa mid cad. Sida uu Vitalik xusay: "Ethereum waa CROPS. Ethereum waa scaling. Ethereum waa reinventing itself."
- Get link
- X
- Other Apps

Comments
Post a Comment