Cadowga Ugu Weyn Ee Mareykanka Waa Deyntiisa

                


Mareykanku dulsaar ahaan wuxuu ku bixiyaa $1,143 bilyan, in ka badan ciidamadiisa oo dhan.
Ray Dalio, oo ah aasaasaha Bridgewater Associates, ayaa mar kale ka digay deynta ku socota dalka Mareykanka. Waraysi uu siiyay Bloomberg, waxaa la weydiiyay su’aal toos ah: maadaama deynta Mareykanku ay dhaaftay $40 tirilyan, oo yield-ka bonds-ka 30-ka sano ahna uu u socdo 6%, ma xiisad deyn ayaa soo socota? Jawaabtiisu waxay ahayd: “Haa.” Wuxuu intaas ku daray in cadaadiska bixinta deyntu uu noqon doono arrinta ugu weyn saddexda sano ee soo socota.






Dalio wuxuu deynta dowladda u sharraxay si fudud oo dadka dhan ay fahmi karaan: waa sida xisaabta qof ama shirkad oo kale. Marka deyntu ay ka dhaqso badato inta la bixiyo, lacagta loogu talagalay bixinta dulsaarka deynta waxay cuntaa qayb sii weynaanaysa oo miisaaniyadda ah, taasoo cidhiidhisa kharashaadkii kale ee muhiimka ahaa. Farqiga keliya ee dowladda iyo qofka u dhexeeya ayaa ah in dowladdu ay lacag cusub daabici karto. Sida uu qiyaasay, Mareykanku sannadkii wuxuu kharash gareeyaa qiyaastii $7 tirilyan, halka dakhliga soo gala uu yahay oo kaliya $5 tirilyan taas oo ka dhigan inuu kharash gareynayo 40% ka badan inta uu dhab ahaan hesho.

Deficit Aan Hoos-u-dhac Dhaqaale Lahayn

Tirooyinka rasmiga ah ee sannad-maaliyadeedka 2026 waxay xaqiijinayaan sawirka Dalio. Deficit-ka (farqiga miisaaniyadda) federaalku wuxuu gaaray $2.0 tirilyan, oo u dhiganta 6.2% wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP).
Deficit-ka sannadlaha ah 2006–2026 · Source:
Jaantuskan wuxuu muujinayaa wax muhiim ah. Deficit-yadii ugu waaweynaa ee hore waxay yimaadeen xilliyo xiisadeed: 2009, kadib burburkii maaliyadeed, iyo 2020–2021 xilligii xanuunka COVID-19. Laakiin tan iyo sannadkii 2023, deficit-ku wuxuu ku dhegan yahay ku dhawaad 6% GDP iyadoo aanay jirin xiisad dhaqaale oo ba’an. Dowladdu waxay amaahanaysaa sidii xilli xiisadeed oo kale.

Dulsaarka Oo Ka Badan Ciidamada

Marka la eego halka ay lacagtu aaddo, sheekadu way sii cadaynaysaa. FY2026, Mareykanku wuxuu kharash gareeyay qiyaastii $7.4 tirilyan. Barnaamijka Social Security ayaa ahaa qaybta ugu weyn ($1,654 bilyan). Kaalinta labaad se ma ahayn caafimaadka ama ciidamada, waxay ahayd dulsaarka deynta: $1,143 bilyan.
Dulsaarku wuxuu sannad gudihiis ka kacay $1,028 bilyan wuxuuna gaaray $1,143 bilyan. Hadda wuxuu ka badan yahay kharashka ciidamada ($916 bilyan) in ka badan $227 bilyan, wuxuuna ka badan yahay Medicare ($1,069 bilyan). Kharashka kaliya ee hoos u dhacay waa “barnaamijyada kale” oo ka dhacay $1,508 bilyan ilaa $1,475 bilyan. Waa tusaale cad oo ah waxa uu Dalio ugu yeeray cidhiidhinta kharashka kale.

Deyn Laba Jibaarantay

Deynta ay dadweynuhu hayaan waxay ahayd $16.8 tirilyan sannadkii 2019. Dhammaadkii FY2026 waxay gaartay $32.4 tirilyan oo ah kor u kac ku dhawaad 93% ah, toddoba sano gudahood. Sannadkan oo keliya waxay kordhay $2.2 tirilyan. ($32.4 tirilyan waa deynta dadweynaha; $40 tirilyan waa deynta guud ee dowladda.)

Jaantuska Ugu Muhiimsan Ee Maqaalka

Haddii aad hal nuxur oo keliya ka qaadato falanqayntan, ha noqdo kan.

Dulsaarka dowladda federaalka 1947–2026 · Source: U.S. Bureau of Economic Analysis via FRED
Lixdan sano ayay qaadatay in dulsaarka federaalku uu gaaro qiyaastii $400 bilyan. Laakiin 2020 kadib, wuxuu ka kacay qiyaastii $510 bilyan ilaa in ka badan $1,200 bilyan oo ah ku dhawaad 2.5 jibaar, lix sano gudahood. Tiirarka cawlan ee jaantusku waxay calaamadeeyaan xilliyada hoos u dhaca dhaqaalaha, kor u kaca ugu dambeeyay wuxuu dhacay iyadoo aanay jirin xiisad dhaqaale.

Suuqa Bonds-ka Ayaa Horey U Fal-celiyay

Dalio wuxuu sheegay in 6% uusan ahayn xad go’an. Waxa muhiimka ah, buu yiri, waa isu dheellitirka lacagta la heli karo iyo baahida amaahda. Marka baahidu ka badato lacagta taalla, qiimaha lacagta oo ah dulsaarka waa inuu kaco ilaa uu baahida xakameeyo.
Suuqu sidaas ayuu sameeyay. Dabayaaqadii 2021, Mareykanku wuxuu ku amaahan jiray 10 sano qiyaastii 1.5%; Oktoobar 2026 waxay ku dhawaatay 5.3%. Yield-ka 30-sanaduna wuxuu ka kacay qiyaastii 2% ilaa ku dhawaad 5.7%. Labaduba waxay dhaafeen heerarkii ugu sarreeyay ee 2023, kor u kaca ugu dhaqsaha badanna wuxuu dhacay bilaha ugu dambeeyay.

Yaa Ugu Horreeya Ee Saameynta Dareemi Doona?

Dalio wuxuu sheegay in deficit-ka dowladda aan la xakameyn karin, xitaa wuu kordhaa marka dhaqaaluhu daciifo. Sidaas darteed, marka dulsaarku kaco, dowladdu ma joojiso amaahda; waxaa cidhiidhi ku jira qaybaha kale. Wuxuu ku tilmaamay amaahda guryaha iyo gawaarida inay ugu horreyn doonaan, qoysaska dakhliga yarna ay ka sii dareemi doonaan kuwa hodanka ah, taasoo, sida uu sheegay sii kordhin karta isku dhaca dhanka hantida ah.

Maalgashigii Caalamiga Ahaa Oo Hoos U Dhacay

Sida uu Dalio tilmaamay, ku dhawaad saddex-meelood meel deynta Mareykanka waxaa lagu tiiriyaa lacagaha caalamiga ah. Sidaas oo ay tahay, suuqaas taageerada ahaa maanta isbeddel baa ku yimid.
Shiinaha iyo Japan oo ah labada dal ee ugu waaweyn ee iibsada bonds-ka Mareykanka, ayaa yareynaya iibsashada. Shiinaha sababo siyaasadeed iyo dhaqaale darteed ma rabo inuu sii ururiyo deynta Mareykanka, halka Japan ay rabto inay dib u hesho qayb ka mid ah lacagteedii. Marka ay laba dal oo is-hor-taagan xiriir deyn ka dhaxeeyo, maamulidda deyntaas waxay noqotaa mid aad u adag.

Gunaanad

Tirooyinku waa dhab, xaaladda dhaqaaluhuna way sii xumaanaysaa: deficit $2.0 tirilyan ah, dulsaar gaaray $1.14 tirilyan oo ka sarreeya miisaaniyadda ciidamada, deyn laba jibaarantay, yield-ka oo dhaafay heerarkii ugu sarreeyay ee 2023, iyo iibsadayaasha shisheeye oo yareynaya iibsashada. Su’aashu ma aha “cadaadis ma dhici doonaa?” ee waa goorma iyo qaabkee.
Natiijada ugu macquulsan ma aha burbur hal mar wada dhaca, ee waa doolar si tartiib ah u daciifaya, sicir-barar joogto ah, iyo heerka dulsaarka oo sare ku haraya.
Qoraalkani waa falanqeyn, ma aha talo maalgashi.
Waxaa diyaariyay: Booskapro | Falanqeyn · 11 Oktoobar 2026

Tixraacyo

Comments

Popular Posts